SAWIRRO:Qaybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee Muqdisho oo xiran

0
812

Wararka laga helayo suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dheeraada ku soo rogtay ganacsatada.
Qaar kamid ah ganacsatada ayaa warbaahinta u sheegay, in qaybaha xiran saaka ay ugu muhiim sanyihiin qayabaha lagu iibiyo qalabka dhismaha.
Ganacsatada ayaa sheegay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsadaha ah hantida uu ku shaqeeyo.
Ganacsatada ayaa horay u bixin jiray lacago ay ku soo rogeen kooxda kale ee Al-Shabaab.
Sidoo kale dowladda ayaa canshuur ka qaadda ganacsatada.