Shirkadda adeegga korontada ee dalka ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in howlo dayactir awgood ay koronto la’aan ka jiri doonto maanta xaafadaha qaar ka mid ah ismaamullada wadanka.
Dowlad deegaanada ay inta ugu badan ay koronto la’aanta saameyn doonto ayaa kala ah Nairobi iyo Mombasa.
Xaafadaha ay koronto la’aanta saameyn doonto maanta oo Arbaco ah ayaa kala ah aagga Gigiri, Runda iyo Lavington ee caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa sidoo kale goobaha wajihi doono cilad dhanka adeegga korontada ka mid ah suuqa wayn Two Rivers Mall, waddada aadda xarunta qaramada midoobay ee Nairobi iyo xarumooyin kale oo muhiim.
Dhanka kale xaafado ka tirsan ismaamulka Mombasa ayaa caqabaddan la kulmi doono gaar ahaan deegaanka Nyali.
Shirkadda adeegga korontada ee Kenya Power ayaa sidoo kale xustay in dadka deggan qaybo ka mid ah ismaamullada Kilifi, Makueni iyo Bungoma ay sidoo kale saameyn doonto dayactirka.
Home Wararka Kenya Shirkadda Kenya Power oo shaacisay ismaamullada ay maanta koronto la’aan ka jiri...