Raila Odinga oo ballanqaaday inuu kenyaanka mideynayo haddii uu hoggaanka wadanka qabto

0
702

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in haddii bisha siddeedaad ee sanadkan uu ku guulaysto xilka hoggaanka ugu sarreeya wadanka , uu mudnaanta koowaad siin doono mideynta bulshada.
Xilli uu kulan la qaatay hoggaamiyaasha qowmiyadaha Maasai iyo GEMA ayuu ra’iisul wasaarihii hore ee dalka sheegay in midnimo la’aanta jirta ay sababtay in Kenya aynan ku guulaysan hirgelinta qorshayaasha horumarineed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu xaqiijin doono in dalka uu noqdo mid ka madax bannaan qabyaalad.
Mr. Odinga ayaa xusay in Kenya ay leedahay kheyraad dabiici oo badan oo haddii si siman loo qaybsado lagu xoojin karo isdhexgalka dadweynaha.
Raila oo markii shanaad doonaya inuu u tartamo madaxtinimada wadanka ayaa ololihiisa siyaasadeed u adeegsanaya hiigsiga mideynta bulshada ee Azimio La Umoja.