Axmad Madoobe oo sheegay in qarannimada ay ceeb ku ahayd tallaabadii Qalbi-dhagax loogu dhiibay Itoobiya

0
712

Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhoweeyay go’aankii golaha wasiirrada dowladda federaalka Soomaaliya ay shakay ku laaleen go’aan 2017-kii ay gaareen golihii wasiirrada ee ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Qoraal uu soo dhigay barta Facebook ayuu ku yiri: “Waxaan soo dhawaynayaa go’aanka wanaagsan ee ay xukuumada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay hore dowladda federaalka Soomaaliya ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso”.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale golaha wasiiradda uga mahadceliyay garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay muwaadin Cabdikariim Sheikh Muuse(Qalbidhagax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta umadda Soomaaliyeed.