Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa billaabay inuu diiwaangeliyo codbixiyeyaasha kenyaanka ah ee ku nool dalka dibadiisa.
Tani ayaa fursad u siinaysa inay ka qayb qaataan doorashada guud ee la qorsheeyay inay qabsoonto 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay wajiga labaad ee diiwaangelinta oo hadda ka socdo guud ahaan dalka.
Diiwaangelinta ayaa socon doonto ilaa 6-da bisha labaad ee Febraayo ee sanadkan waxaana laga sameynayaa dalalka Canada, Ingiriiska, Maraykanka, Suudaanta Koonfureed , Qatar , Imaaraadka iyo Jarmalka,Burundi, Tanzania, Rwanda, Uganda, iyo Koonfur Afrika.
Qurbajoogta ayaa iska diiwaangelin karo safaaradaha ay Kenya ku leedahay waddamadan.
IEBC ayaa sheegtay in bartilmaameedsigeedu uu yahay inay diiwaangeliso 4.5 milyan oo codbixiyeyaal cusub ah.