Ingiriiska oo fududeeynaya xayiraadaha COVID-19

0
504

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo fududeeynta tallaabooyinka maamulkiisa uu ku xakameynayo faafitaanka caabuqa corona.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in golaha wasiirrada ee UK ay maanta yeelanayaan kulan dib loogu eegayo xeerarka caafimaad.
Tallaabooyinkan ayaa la soo saaray bishii hore ka dib markii ay kordheen kiisaska faraca COVID-19 ee Omicron.
Isbeddellada la rajeynayo in Boris uu shaaciyo ayaa waxaa ka mid ah soo afjaridda amarkii ahaa in shaqaalaha dowladda ay guryaha ka soo shaqeeyaan.
Sidoo kale waxaa suurtagal ah in la qafiifiyo xayiraadda ah in goobaha cayaaraha iyo meelaha habeenkii lagu caweeyo ay tagi karaan keliya dadka si buuxda looga tallaalay cudurka.