DHAGEYSO:Duqii hore ee Fafi oo ku baaqay in Alle bari la sameeyo

0
484

Iyadoo meelaha qaar ay roobab ka da’een welina ay jiraan deegaano laga dareemayo saameynta abaarta ayaa waxaa lagu soo warramayaa in Fafi uu ka jiro isku soo guur u dhexeeya xoolo dhaqatada.
Kansalihii hore ee deegaan baarlamaneedka Fafi ee ismaamulka Garissa Nuur Barre oo arrintan uga warramay warbaahinta Star ayaa dadka xoolo dhaqatada ah ugu baaqay inay isu dulqaataan oo ay si walaaltinimo ah ku qaybsadaan kheyraadka biyaha.
Waxaa uu sidoo kale ku taliyay in la sii wado Alle bariga si deegaannada aan weli roobab heli ay u qabowsadaan oo isku soo guurka uu u yaraado.