DHAGEYSO:Xasan Sh oo sheegay in 40 cisho ay ku filan tahay qabashada doorashada golaha shacabka Soomaaliya

0
427

Madaxweynihi hore ee dalka Soomaaliya ahna musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaaladda wadankaasi ayaa sheegay in doorashada 40 cisho lagu qaban kara, hadii ay dhacdo in 5 maalmood loogu darsadana aysan dhib lahayn.
Hasa ahaate aan loo cudur daaran karin in lagu darsado muddo laba bilood.
Waxaa uu dhanka kale ka digay in dalka dib loogu celiyo halkii uu ka yimid 8 sano ka hor, islamarkaana loo baahanyahay in wadanka loo jiheeyo doorasho.
Xasan Sh Maxamuud ayaa xusuusiyay madaxda soomaalida in doorashada oo xumaata waxa ay sababi karto.
Waxaa uu intaa ku daray in aan loo dulqaadan karin doorasho xumaatay, islamarkaana looga baahi badan yahay in dalka horumar uu sameeyo.

Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay in ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay qaranka naftooda u hureyn sido kale aysan eed ku laheyn waxii dhibaato ee dalka ka dhaco.
Waxaa uu xusay in wixii eed ay dusha saaranayaan madaxda sare ee Soomaaliya.
Ugu dambeyn waxaa uu bulshada soomaaliyeed u sheegay in daruufaha dalka ka jiro laga gudbi doono, iyado la kaashanayo dulqad iyo dib u heeshisiin.

Hadalka madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya iyadoo maamul goboleedyada dalkaasi ay guda galeyn qabashada doorashada golaha shacabka ee Soomaaliya.