Natembeya: Waxaa kursiga barasaabka Trans-Nzoia u adeegsan doonaa xisbiga uu taageerayo madaxweyne Uhuru Kenyatta

0
346

Iskuduwihii ammaanka ee dhawaan iscasilay ee gobolka Rift Valley Mr.George Natembeya ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa siyaasadeed, ee u tartamida kursiga barasaabka ismaamulka Trans-Nzoia.
Waxaa uu sgeegay inuu xisbiga uu adeegsan doono xilka guddoomiyaha dowlad deegaanka Trans-Nzoia uu noqon doono midka uu taageerayo madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Natembeya oo la hadlay idaacadda maxalliga ee Cetizen ayaa ku ammaanay madaxweyne Uhuru Kenyatta fursadii uu u siiyay inuu noqdo iskuduwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley.
Waxaa uu caddeeyay in uu si buuxda uga dambeeya is gacan qaadkii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ay nabad dhalisa.
Mr. Natembeya ayaa ku celceliyay in uu u janjeerayo dhanka madaxweynaha oo uu taageeri doono cidda uu wato.
Waxaa uu intaa ku daray, inta uusan xilkii uu hayay iska casilin uu la tashaday madaxweyne Uhuru iyo sidoo kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i.
Dhanka kale waxaa uu sheegay in madaxweynaha iyo sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha ay ku taageereen tallaabada uu hadda ku doonayo inuu isu sharraxo xilka barasaabka ismaamulka Trans-Nzoia.