DHAGEYSO:Barasaabka Nyandarua oo ku baaqay in doorashada la isku diiwaangeliyo

0
320

Guddoomiyaha ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka Francis Kimemia ayaa dadweynaha ugu baaqay inay isku diiwaangeliyaan ka qayb galka doorashada guud ee bisha siddeedaad.
Waxaa uu ku boorriyay inaynan fududeysan diiwaangelinta guddiga IEBC uu maanta ka billaabay guud ahaan wadanka.
Kimemia ayaa hoosta ka xarriiqay in qofka oo aan codeyn uu madax aan wanaagsanayn si dadban fursad ugu siiyo inay qabtaan xilalka hoggaanka.
Waxaa uu ku celceliyay in ka qayb qaadashada doorashada guud ay tahay sida keliya ee lagu kala saari karo musharraxiinta u hanqal taagaya jagooyinka siyaasadeed.