Dowladda oo 8.9 bilyan ugu talagashay qaybaha liita ee bulshada

0
594

Dowladda dhexe ee dalka ayaa soo saartay lacag dhan 8.9 bilyan oo shilin oo loogu talagalay in lagu caawiyo qaybaha dhibaatooyinka u nugul ee bulshada sida waayeellada , agoonta iyo naafada.
Waxaa dhaqaalahan ka faa’iidaysan doono in ka badan hal milyan oo qof.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha iyo barnaamijyada gaarka ah Prof. Margaret Kobia ayaa sheegtay in lacagtan laga billaabo maanta oo Isniin ah si toos ah loogu wareejin doono akoontiyada bangiyeed ee waayeellada, agoomaha iyo naafada is diiwaangeliyay.
Wasiir Kobia ayaa hoosta ka xarriiqday in.8.5 bilyan lagu wareejin doono hannaanka badbaadinta bulshada ee Inua Jamii si shakhsiyaadkan looga fududeeyo culeysyada dhaqaale ama nololeed ee ay wajahayaan.
13 milyan oo shilin ayaa loo qoondeeyay barnaamijka wanaajinta nafaqada iyo aqoonta caafimaad ee (NICHE).
Wasaaradda adeegga dadweynaha ayaa laga soo xigtay in dadka barnaamijkan ka faa’iidaysanaya ay heli doonaan 8,000 oo shilin oo u dhiganta bilooyinka saddexaad, afaraad , shanaad iyo lixaad ee sanadkan.
Lacagtan ayaa la soo marin doonaa bangiyada kala ah Cooperative Bank, Equity Bank, Kenya Commercial Bank, Post Bank, Kenya Women Finance Trust iyo National Bank.