Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa maanta billaabayo wajiga labaad ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa laga fulin doonaa dhammaan deegaannada hoose ee ismaamullada Kenya oo gaaraya 1,450.
IEBC ayaa shaacisay in diiwaangelinta ay soconaysa ilaa 6-da bisha labaad ee sanadkan.
Guddiga ayaa cid kasta oo aan ka faa’iidaysan diiwaangelintii sanadkii hore ka codsaday inay u soo baxdo sidii ay isugu diiwaangelin lahayd ka qayb qaadashada doorashada guud ee 9-ka bisha siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa sidoo kale fursad la siinayaa qofkii doonaya inuu saxo macluumaadka lagu diiwaangeliyay haddii uu khalad dhacay.
Cid kasta oo daneynaysa inay beddelato goobta codbixinta ayaa sidoo kale loo adeegayaa sida laga soo xigtay guddiga doorashooyinka ee IEBC.
IEBC oo sanadkii hore cabasho ka muujinaysay dhaqaale yari ayaa xilligaasi sheegtay inaysan kordhin doonin muddada barnaamijka diiwaangelinta.
Hasa ahaate markii ay miisaaniyad ka heshay wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka ayay laga billaabo maanta guda galaysa wajiga labaad ee diiwaangelinta oo sidoo kale laga sameyn doono qurbaha.