Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa sheegay in cid aanan aheyn maamulka gobolka hadda kadib lagala tacaamuli doonin arrimaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan amniga.
Cali Yare ayaa sheegay in inta lagu jiro doorashada uu gobolka Banaadir u madax bannaan yahay taladiisa iyo amnigiisa.
“Inta doorashada lagu jiro maamulka gobolka Banaadir wuxuu u madax bannaan yahay taladiisa, siyaasaddiisa iyo amnigiisa. Ma jiro qof kale oo arrintaas amniga ku saabsan lagala tacaamuli karo nooc kasta oo ay tahay,” ayuu yiri.
Cali ayaa sidoo kale tibaaxay: “Waxaan ula simanahay wasaaradda amniga sida gobollada kale ee Soomalaiyeed, haddii aan waraaqaha wasaaradda amniga ka socon karin Boosaaso, Dhuusamareeb, Jowhar iyo Baydhabo ma jirto sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir”
Dhanka kale wuxuu soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee dib loogu dhigay dibad-baxii ka dhanka ahaa isku daygii Afgembi ee Farmaajo ee la sheegay.
Wuxuun sheegay in ka maamul ahaan ay tahay sababta ay uu diideen amniga caasimada dartiis.
Home Wararka Soomaaliya Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay in aysan ku shaqeynayn amarka wasaaradda amniga ee...