Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo ku baaqay dardargalinta howlgalada shabaab ka dhanka ah

0
324

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Xafiiskiisa kula kulmey taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabaas Aamiin Cali.
Wasiirka ayaa kulanka inta uu socday warbixin ka dhageystay taliyaha iyo Saraakiisha kulanka ku wehlisay.
wuxuuna ku boorriyay saraakiisha Dardar-galinta Howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ka shaqeynta Horumarinta Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.