Qareenada oo loogu baaqay inay caawiyaan kenyaanka danyarta ah

0
285

Madaxa waaxda cadaaladda dalka Martha Koome ayaa garyaqaanada ka codsatay in marka ay fidinayaan adeegyada dhanka sharciga ay il gaar ah ku eegaan shacabka danyarta ee aan haysan qarashaad ay ku bixiyaan adeegyadooda.
Waxay qareenada u soo jeedisay inay hormuud u noqdaan sidii qof kasta oo kenyaan ah uu ku heli lahaa cadaalad iyadoo aan lagu qiimeyn awoodiisa dhaqaale.
Koome ayaa hoosta ka xarriiqday in qareenada laga doonayo inay ku dhaqanka xeerarka dastuuriga ah u adeegsadaan wanaajinta nolosha bulshada.
Waxay garyaqaanada xusuusisay in xirfaddoodu aynan ahayn keliya mid ay iyaga hanti ku helayaan balse ay ku xoojinayaan cadaaladda iyo xaqiijinta sinnaanta dadweynaha.