Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo kaashanaysa khuburro caafimaad oo madax bannaan ayaa la filayaa inay maanta qabato kulan looga arrinsanaya caabuqa corona.
Waxay hay’addu ka baaran degaysa inay sii kordhiso mudadda ay sii jireyso xaaladda caafimaad ee ay ku sheegtay mid degdeg ah.
Walaaca caalamiga ee ka dhanka ah cudur sidaha corona ayaa jiray ku dhawaad labo sano.
Ilaa iyo hadda ma cadda in xaaladda caafimaad ee degdegga ah la sii kordhin doono iyo in kale.
Hasa ahaate in badan oo ka mid ah khuburrada caafimaadka ayaa ka digaya cawaaqib xumo haddii meesha laga saaro heeganka la geliyay dowladaha dunida si ay ugu wada istaagaan maareynta xaaladaha cudurka COVID-19 ee sii kordhaya.