Wasaaradda caafimaadka ee dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maanta xaqiijisay ugu yaraan 4,000 oo ah kiisaska cusub ee cudurka COVID-19.
Tiradan ayaa ah midii ugu horreysay ee wadankaasi hal maalin gudaheed laga diiwaangeliyay muddo Lix cisho ah.
Kororka xaaladaha cudurka ayaa loo aaneynayaa inuu dalkaasi ku sii faafaya faraca cusub ee Omicron .
Xarunta ka hor tagga iyo xakameynta cudurrada ee(KDCA) ayaa laga soo xigtay in kiisaska maanta la xaqiijiyay ay yihiin 4,388 tani oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigtay 674,868.