Isfahan laga gaaray khilaafka madaxweyne Deni iyo saraakiisha PSF

0
788

Waxaa lagu wadaa in dhawaan la shaaciyo xal laga gaaray khilaafkii gacan ka hadalka sababay ee u dhexeyay ciidamada ka amar qaata Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Agaasimihii Hay’adda PSF ee xilka qaadista lagu sameeyay balse diiday ee Maxamuud Cismaan Diyaano.
Warar ay warbaahinta guduhu qortay ayaa sheegaya in xallinta khilaafkaas oo ay wadaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake, Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Cabdiweli Cali Gaas & Isimada deegaanada maamulka Puntland intooda badan la soo gabagabeeyay, islamarkaana waxyaabo dhanka farsamada kaliya ah ay ka harsan yihiin.
Qaar kamid ah Isimada Puntland iyo mas’uuliyiintii hore oo Boosaaso jooga ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee xalka gaarista khilaafka si Bulshada ku nool Magaalada Boosaaso ay Nabad ugu noolaadaan.
Isimada Puntland ayaa horay ugu guuldareystay inay xal ka gaaraan khilaafka Xukuumadda iyo Saraakiisha Ciidamada PSF taasoo keentay in dagaal socday dhowr maalmood uu ka dhaco Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaasoo gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah sidoo kalena ay ku barakaceen qaar ka mid ah shacabkii magaalada ku noolaa.