DHAGEYSO:Wararkii ugu dambeeyay ee shirka wadatashiga qaran ee Soomaaliya

0
676

Golaha wadatashiga qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha 5-ta maamul Goboleed & guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Maanta oo Axad ah sii amba qaadi doona shirkii maalmihii la soo dhaafay Muqdisho kaga socday, waxaana Maanta ka qayb geli doona sida ay wararku sheegayaan Xubno ka mid ah Midowga musharrixiinta Soomaaliya.
Shirka oo muddo 5 Cisho ah ka socday Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in Madaxdu ay heshiis ku gaareen, kaasoo ay Maanta ka wada doodi doonaan Midowga musharrixiinta si loo soo saaro Warmurtiyeedka Shirka.
Golaha wadatashiga Qaran ayaa kulankoodii shalay uga dooday cabashooyinkii la xiriiray hufnaan la’aanta doorashada iyo tallooyinkii ay u gudbiyeen Midowga musharrixiinta. Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka, iyadoo meesha laga saaray qodobkii Amniga ee la isku mari waayay.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamad Ibraahim Macallimuu ayaa sheegay in shirka la isku afgartay, islamarkaana dhawaan si rasmi ah loo soo gabagabeyn doono.

Shirka Golaha wadatashiga oo ahaa kii ugu wakhtiga dheeraa oo ay yeeshaan ayaa la filayaa in laga soo saaro Warmurtiyeed, waxaana xogaha la helay ka mid ah in Madaxdu ku heshiiyeen in muddo 60 Cisho ah lagu dhameystiro doorashooyinka iyo inay Amniga dalka saameyn ku yeelato AMISOM.