Saddex qaxooti ah oo lagu dilay Tigray

0
366

Waxaa lagu soo warramayaa in duqeyn dhanka cirka ah oo laga gaystay gobolka waqooyi ee Tigray ee dalka Itoobiya lagu dilay saddex qof oo qaxooti ah .
Dadkan ayaa dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Eritrea waxaana ka mid ah labo carruur ah.
Guddoomiyaha sare ee hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi ayaa arrintan walaac ka muujiyay.
Bayaan ayuu ku sheegay in qaxootigu ay yihiin dad la doonayo inaan la bartilmaameedsan.
Hasa ahaate dowladda Itoobiya ama militarigeeda ayaan weli dhacdadan ka hadlin.
Xukuumadda Addis Ababa ayaa horay u beenisay in dagaalka ay kula jirto xoogagga TPLF ay dad rayid ah ku bartilmaameedsato.