Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa sheegaya in tirada shacabka ku nool gudaha wadanka ee u baahan gargaarka baniaadanimo ay gaartay 2.8 milyan oo qof halka bishii siddeedaad ee sanadkii hore ay ahayd 2.1 milyan.
Tani ayaa loo aaneeyay inay yaraadeen roobabkii la rajeynayay intii u dhexeysay bilihii Oktoobar iyo Diseembar ee sanadkii tagay.
NDMA ayaa hoosta ka xarriiqday in laga cabsi qabo in xaaladdu ay sii adkaato bilooyinka nagu soo aaddan haddii aan la qaadin tallaabooyin degdeg ah.
Maamulkan ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay in wax laga qabto dhinacyada soo saaridda cunnada, xoolaha nool , biyaha , caafimaadka, nafaqada iyo gargaarka cunno.
Warbixinta NDMA waxaa sidoo kale ku cad in sanadkii hore abaarta jirtay awgeed 15 ka mid ah ismaamullada wadanka ay ku dhinteen xoolo dhan 1,437,632.
Dowlad deegaanada ugu daran ee ay abaartu saameysay ayaa waxaa ka mid ah Garissa, Mandera, Marsabit, Isiolo iyo Wajeer oo marka la isku geeyo ay abaarta ku leedheen in ka badan 500,000 oo neef.
Darasaadka laga soo saaray warbixintan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 28-kii November ilaa 4-tii bishii 12-aad ee sanadkii 2021.