DHAGEYSO:Wadayaasha baabuurta xamuulka ee xadka Kenya iyo Uganda oo shaqo joojin sameeyay

0
859

Gaadiidleyda xamuulka ee u kala goosha waddamada dariska ah ee Kenya iyo Uganda ayaa ku dhaqaaqay gadood shaqo oo ay uga soo horjeedaan dhibaatooyin ay ka tabanayaan xukuumadda Kampala.
Waxay darawaliintu sheegayaan in khasab looga dhigay in laga baaro cudurka COVID-19 in kastoo sida ay ku andacoonayaan ay haystaan shahaadooyin muujinaya in caabuqa looga baaray gudaha wadanka.
Tallaabada ay qaadeen ayaa carqaladeysay gudbintii badeecooyinka kala duwan ee xadka Busia iyo Malaba.
Wadayaasha gawaarida xamuulka ayaa dowladaha Kenya iyo Uganda ugu baaqay inay ka wada hadlaan xallinta caqabadda ay wajahayaan maadaama ay ka cabsi qabaan in badeecooyinka qaar ay hallaabaan ka hor inta aan la geyn halkii loo waday.