Faysal Cali Waraabe”Muuse Biixi, haddii doorashada madaxtooyadu wakhtigeed ku dhici waydo habeen qudha madaxweyne sii ahaan maayo”

0
603

Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa wuxuu eedeymo dhowr ah u jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.
“Madaxweyne Muuse Biixi saad ogtihiin doorashadii uu ku yimid waxay ahayd mid Somaliland kala qaybisay, oo qabiil ku kala qaybisay, muran baa ka dhashay, Alxamdulillaah annaga ayaa soo afjarnay oo waxaan oggolaannay doorashada si kasta ha ahaatee, intaan danta qaranka eegnay,” ayuu yiri Muuse.
Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi inuu Somaliland u horseeday xaalad qalalaaso ah.
“Markii ugu horreysayba Madaxweyne Muuse wuxuu ina geliyay dagaal Tukaraq oo aan laga tashan, oo reer yaroo meel fadhiya nala simay, Somaliland iyo Puntland baa dagaallamaya ceeb bay nagu tahay, intaa kaddibna wuxuu ina geliyay murankii Caarre oo jiitamay oo mararka qaarkood oo waxyaalihii aan ku wada hadalnay sheegi lahaa ama soo qori aysan Somaliland maanta wada fadhideen,”
Faysal oo arrimo dhowr ah ka hadlay ayaa wuxuu sheegay in madaxweynuhu bilaabay qabyaalad sidaas darteedna ay ka tashanayaan madaxtinnimadiisa.
“Dastuurka haddii aad ilaalin weydo waxaan ballan ku qaadayaa in aanad hal habeen madaxweyne sii ahaan doonin.” Ayuu intaas raaciyay Faysal Cali Waraabe.