Lix qof ayaa la dilay ka dib weerar loo maleynayo inay fuliyeen dabley ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay aaga Widhu Majembeni ee ismaamulka Lamu.
Sida laga soo xigtay booliska , dableyda la tuhunsan yahay ayaa sidoo kale gubay guryo badan.
Weerarkaan ayaa dhacay aroornimadi hore ee maanta.
Mid ka mid ah dadka dhintay ayaa la toogtay, mid kalena waa la gowracay halka afarta kalena lagu gubay gurigooda.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala dowlad deegaanka Lamu Irungu Macharia ayaa xaqiijiyay dhacdadan.
Waxaa uu intaa ku daray inay socdaan baaritaanno arrinkan ku aadan.