Maxay tahay sababta uu isu casilay guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Puntland?

0
585

Guddoomiyaha Guddiga KMG ee doorashooyinka Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa iska casilay xilka uu hayay.
Saalax wuxuu warqaddiisa iscasillaadda uu ku banneynayo xilka guddoomiyenimada guddiga uu u gudbiyey xubnaha guddiga iyo guddoomiyaha baarlamaanka.
Wuxuuna Saalax sheegay inuu xilka uu soo hayey muddo 2 sano iyo bar ah uu isaga casilay duruufo ka hor yimid dartood sidaana uu ku go’aansaday inuu booska banneeyo.
Wuxuuna sheegay shaqada markeedi horaba inay hayeen xubnaha guddiga iyo shaqaalaha balse isagu howshiisa ay ku koobneyd oo keli ah hoggaaminta, isaga oo ballanqaaday marweliba inuu diyaar u yahay inuu talo iyo tabarba uu la garab istaago dhammeystirka hirgelinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.
Saalax ayaa si wayn loogu ammaanay inta uu xilka guddoomiyenimada guddiga hayay doorashadi tijaabada ee qof iyo codka ahayd ee laga hirgeliyey degmooyinka Eyl, Qardho iyo Ufeyn.