8 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay waddada Webuye-Eldoret

0
876

Waxaa la xaqiijiyay dhimashada 8 qof ka dib markii uu saaka shil ka dhacay waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Webuye iyo Eldoret.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ay rakaabkan saarnayeen uu ku dhacay mid ka mid ah baabuurta xamuulka oo yaallay hareeraha waddada.
Ma jirto cid ka badbaaday shilka oo laga soo tabiyay aagga Musembe ee deegaan baarlamaneedka Lugari oo ka tirsan ismaamulka Kakamega kaasoo saameeyay gaariga ka soo ambabaxay Webuye .
Dadka shilka ku nafwaayay ayaa dib ugu soo laabanayay caasimadda wadanka ee Nairobi ka dib markii ay ciidda Christmas iyo sanadka cusub ugu soo dabbaal degeen dowlad deegaanka Bungoma.
Waxaa dhacdadan iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee gobolka galbeedka wadanka Perris Kimani .
Taliyaha booliska ee ismaamulka Kakamega Xasan Barua oo khadka taleefoonka ugu warramay idaacadda Radio Citizen ayaa faahfaahin ka bixiyay shilka saaka dhacay

Meydadka dadka shilka ku dhintay ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka degmada Webuye iyadoo la filayo in baaritaano qalliin ah lagu sameeyo.
Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa laga soo xigtay in sanadkii hore intii u dhexeysay bilihii 1-aad ilaa 11-aad ay shilal ku nafwaayeen in ka badan 3,500 oo qof.
Maamulka oo diiwaangeliyay dhimashooyin gaaraya 3,564 ayaa xusay in 1,241 oo tiradan ka mid ah ay ahaayeen dadka waddooyinka gudbaya ama agagaarkooda socda halka wadayaashooyinka mootooyinka ay noqdeen 984 .