Ururka madaxa bannaan ee qaabilsan sharciyadda dhanka caafimaadka ee (IMLU) ayaa doonaya in baaritaano lagu sameeyo ciidamada booliska ee wadanka.
Warbixin uu soo saaray ayuu ku sheegay in ugu yaraan 14 qof oo Kenyaan ah ay ku dhinteen gacanta saraakiisha xilli ay dhaqangelinayeen tallaabooyinka lagu xakameynaya faafitaanka cudurka COVID-19.
IMLU ayaa hoosta ka xarriiqday in dilalka sharci darrada ee laga gaystay gudaha wadanka ay kordheen boqolkiiba 31.3 iyagoo gaaray 198.
Ismaamulka Nairobi ayaa ugu badan dilalka lagu eedeyay laamaha ammaanka ee dowladda kuwaasoo lagu tilmaamay xadgudub ka dhan ah xuquuqul aadanaha.
Dilalka ka dhacay magaala madaxda wadanka ayaa ah boqolkiiba 25.8.
Ururka IMLU ayaa hadda dalbanaya in dowladda ay dacwad ku soo oogto oo lala xisaabtamo shakhsiyaadka ka dambeeyay falalkan.