Dowladda dalka Koonfur Afrika ayaa lagu soo warramaya inay meesha ka saartay bandow ka mid ahaa tallaabooyinkii ay ku xakameynaysay faafitaanka cudurka COVID-19.
Waxay dowladdu intaasi ku dartay in toddobaadkii ugu dambeeyay xaaladaha caabuqa ay hoos u dhaceen boqolkiiba 30 sidoo kalena aynan badan dhimashooyinka ka dhashay sidaas awgeedna la fududeynaya xayiraadaha.
Bayaan ay soo saartay madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa lagu xusay inay yaraatay tirada dadka uu soo ritay cudurka ee isbitaallada la dhigo siddeed ka mid ah sagaalka gobol ee wadankaasi.
Ilaa iyo hadda waxaa gudaha dalkaasi laga diiwaangeliyay in ka badan 3.4 milyan oo ah xaaladaha cudurka iyadoo ay u dhinteen 91,000 qof.
Bandowga meesha laga saaray ayaa Koonfur Afrika ka jiray laga billaabo saqda dhexe ee habeenimo ilaa 4-ta aroornimo.
Waxaa weli khasab ah in afduubka lagu xirto goobaha dadweynaha.
Sidoo kale isku soo baxyada waxaa ka qayb geli karo 2,000 oo ruux.
Bishii hore ayay ahayd markii nooca cusub ee corona ee Omicron markii ugu horreysay laga xaqiijiyay dalkaasi ka hor inta uunan ku sii fidin dunida kale.