Waxaa maanta fagaaraha Bukhungu ee ismaamulka Kakamega lagu qabanaya kulan siyaasadeed oo looga gol-leeyahay in lagu mideeyo shacabka ku nool gobolka galbeedka ee wadanka.
Xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli oo ka mid ah qabanqaabiyaasha shirka ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo tilmaamaya in kulanka dib loo dhigay.
Waxaa uu xusay in qiyaastii hal milyan oo qof ay ka soo qayb geli doonaan shirka Azimio La Umoja ee galbeedka dalka.
Atwoli ayaa madaxda xisbiyada ANC iyo Ford-Kenya ee kala ah Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula uga digay inay ka maqnaadaan kulanka maanta .
Shirka waxaa marti sharaf ka ah madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyadoo sidoo kale lagu casuumay madax ka kala imaanaysa qaybaha wadanka iyo dibadda.
Francis Atwoli ayaa xilli uu warbaahinta la hadlay waxaa uu xubnaha ururrada shaqaalaha uga digay inay hoggaanka wadanka u doortaan siyaasiyiin musuqmaasuq lala xiriiriyay.