Maxkamadda sare oo diiday in la qaado amar lagu hakiyay dib u habeynta beerta Uhuru Park

0
652

Maxkamadda sare ee wadanka ayaa diidday inay meesha ka saarto amar hakad geliyay howlo dib u dayactir ah oo ka socday beerta xurriyadda ee Uhuru Park ee magaalada Nairobi.
Waxaa go’aankan soo saaray garsoore Edward Wabwoto oo xusay in haddii dib u habeynta ay sii socoto ay noqonaysa in laga guulaystay dacwad ay bishii hore maxkamadda geeyeen mas’uuliyiinta xisbiga (CPK) oo ay kaga soo horjeedaan barnaamijkaasi.
Maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada ku nool magaala madaxda wadanka ee Nairobi (NMS) ayaa doonayay in loo oggolaado sii wadidda muujinta bilicda Uhuru Park.
Agaasimaha guud ee maamulka NMS Maxamad Cabdalla Baadi ayaa dhankiisa ku doodaya inaan arrintan lagu wargelin oo ay maxkamaddu go’aan gaartay iyadoo aan la dhageysan dhankooda.