Bandow lagu soo rogay waqooyiga gobolka Daarfuur

0
583

Wararka naga soo gaaraya dalka Suudaan ayaa sheegaya in maamulladu ay waqooyiga gobolka Daarfuur ku soo rogeen bandow jiraya xilliga habeenkii.
Tani ayaa timid ka dib markii rag hubeysan oo aan weli la aqoonsan ay boob ka gaysteen bakhaarka hay’adda cunnada adduunka ee (WFP) iyo xarumo kale oo ay isticmaasho hay’ad horay uga shaqeyn jirtay howlaha nabad sugidda.
Qaramada midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in la boobay ugu yaraan 1,700 oo tan oo cunno ah oo loogu talagalay in muddo bil ah lagu quudiyo 730,000 qof oo dhibaatooyinka u nugul.
Deeqdan ayaa lagala baxsaday magaalada El Fasher ee waqooyiga Daarfuur.
Wakaaladda wararka ee SUNA ayaa ku warramaysa in dadka deegaanka ay meel u dhow bakhaarka loo dhacay ay ka maqleen rasaas culus oo la is weydaarsanayay.
Iskuduwaha gargaarka baniaadanimo ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa Khardiata Lo N’diaye ayaa sheegtay in mid ka mid ah saddexdii qof ee ku nool Suudaan ay u baahan yihiin gargaar sidaas awgeedna boobka dhacay uu carqaladeynaya awoodda ay u leeyihiin inay cunnada gaarsiiyaan shakhsiyaadka si wayn ugu baahan.

Waxay dowladda Suudaan ugu baaqday inay sare u qaaddo dadaallada ay ku ilaalinayso xarumaha iyo hantida hay’adaha gargaarka.
Guddoomiyaha Daarfuur Mini Minawi ayaa dhankiisa barta Twitter-ka ku cambaareeyay deeqda la dhacay.
Waxaa uu falkaasi ku sheegay mid badownimo ah isagoo tilmaamay in dadka ka dambeeyay la marin doono hannaan cadaaladeed.
Sidoo kale waxaa arrintan dhaliilay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres .