DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay qaar ka mid ah jidadka Muqdisho oo maanta xiran

0
779

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhagxaanta Hay’adaha Amnigu Saaka ku xireen Isgoyska dabka ee magaalada muqdisho uu keenay culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka ah.
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalmow ayaa sheegay in dib u eegis deg deg ah lagu sameyn doono tallaabadaas, sidoo kalena la xoojinayo amniga Magaalada Muqdisho.
War Qoraal ah oo uu Bogiisa Facebook soo dhigay Afhayeenka Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu yiri Go’aanka Isgoyska Dabka qeyb ahaan lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka.dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa iyadoo had iyo jeer ahmiyadda la siinayo daryeelka shacabka ,lana sii xoojinayo adkeynta amniga.
Dowladda Soomaaliya ayaa xalay fiidkii waxaay dhagxaan waaweyn ku jartay wadada Dabka ee Magaalada muqdisho, kadib markii shalay gaari si xowli ah kusoo maray halkaas uu ku qarxay barta-koontorool ee Isgoyska sayidka Magaalada Muqdisho.
Wadooyinka jidcadayaasha ee ku yaal degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa horay dowladda Soomaaliya ay ugu jartay dhagxaan waaweyn, ayadoo dhanka kale Magaalada ay ka dhacaan qaraxyo iyo dilal bareer ah.
Ra’isulwasaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal kooban oo daqiiqado ka hor lagu daabacay bogiisa Rasmiga ah ee Facebookga ku sheegay inuu faray hay’adaha amniga inay deg deg u furaan waddada Dabka oo halbowle u ah isu socodka shacabka iyo ganacsiga Caasimadd Soomaaliya ee Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho wuxuu uga mahadcelinayay dulqaadkooda, Wuxuuna ka codsaday inay laamaha amniga ku gacansiiyaan sugidda nabadgelyada Magaalada.
Ra’iisul wasaaraha ayaa bogiisa soo dhigay Sawir laga arkayo Saxmada aad u badan oo dhamaan gawaaridu dhinaca isku hayaan aysana wax dhaqaaq ah Samaynayn cariiriga jira awgiis
Qaar ka mid ah Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa Cabsho ka muujiyay dhagxaanta la dhigay waddooyinka Muqdisho ka dib Cariiri ka dhashay waddooyiinka qaar ee xirin oo saameeyay dhaqdhaqaaqyada caadiga ah.