Ugu yaraan 38 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii ay duntay goobta dahabka laga soo saaro ee Darsaya ee galbeedka gobolka Kordofan, dalka Suudaan.
Waxaa khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi warbaahinta u xaqiijisay shirkad dowladeed oo waaxdan maamusho.
Afhayeenka shirkadda kheyraadka macdanta ee dalka Suudaan Ismaaciil Tissou ayaa maanta sheegay in dhimashadu ay tahay 38 in kastoo horay ay ahayd 31.
Gudaha dalka Suudaan ayaa waxaa ku badan goobaha dahabka laga soo saaro ee dumo maadaama xeerarka badqabka aan si buuxda loo dhaqangelin.