Maxkamadda Gambia oo laashay dacwad ka dhan ahayd guushii madaxweyne Barrow

0
711

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalka Gambia ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad looga soo horjeeday guushii madaxweynaha wadankaasi Adama Barrow uga soo hooyatay doorashadii guud.
4-tii bishan Diseembar ayay ahayd markii ay waddanka Gambia codeynta ka dhacday waxaase ku qancin mucaaradka.
Xisbiga ugu wayn mucaaradka Gambia ayaa doonayay in maxkamaddu ay waxba kama jiraan ka soo qaaddo in Adama Barrow uu mar kale ku soo baxay loolanka taasoo aan laga oggolaan.
Madaxa xisbiga mucaaradka ee (UDP) Ousainou Darboe ayaa sheegay in ololaha doorashada ay hareeyeen musuqmaasuq iyo laaluush bixin.
Hasa ahaate madaxa cadaaladda ee Gambia garsoore Xasan Jallow ayaa xusay in dhinaca cabanaya uunan soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo lagu burin karo in Adama Barrow uu helay horraantii bishan helay boqolkiiba 53 ee codadkii la dhiibtay.