DHAGEYSO:Booliska dalka oo bisha soo socoto la siinaya tababarro ku aaddan sugidda amniga doorashooyinka

0
378

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka ayaa sheegtay in horraanta bisha koowaad ee sanadka 2022-ka ciidamada booliska la siin doono tababarro u suuragelinaya inay amniga sugaan xilliga doorashooyinka .
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu xusay in la soo gabagabeeyay barnaamij lagu ogaanayay deegaanada laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan.
Dr.Kibicho waxaa uu carrabka ku adkeeyay in marka ciidamada loo dhameeyo tababarrada la geyn doono ismaamullada kala duwan iyadoo lagu qiimeynayo meelaha ay khatar sare ka jiri karto.
Waxaa uu ku celceliyay inaysan saadaalinayn in rabshado ay ka dhici doonaan Kenya xilliga doorashada guud ee bisha siddeedaad balse ay sameynayaan keliya diyaar garow buuxa oo haddii ay xaaladdu isbeddesho ay ku xakameyn doonaan.