Nooca cusub ee Omicron oo safaro badan saameeyay

0
576

Saamiyada shirkadaha duulimaadka maraykanka iyo kuwo kale ee caalamka ayaa hoos u dhacay isniinta maanta ah ayadoo kiisaska Omicron ii sii kordhaya iyo dhibaatooyinka cimilada la xiriira ay ku qabseen in la joojiyo boqolaal duulimaadyo ah taasoo sare u sii qaaday dadka safarka ah ee xayiraadaha la kulmay inta lagu guda jiro fasaxa gaalada.
In ka badan 800 oo duulimaadyo ah ayaa la baajiyay gudaha maraykanka iyo dalal kale sida ay muujinayso xogta shabkada FlightAware.com.
Talaabadaan ayaa kordhisay ilaa 3,000 oo duulimaadyo la baajiyay intii lagu guda jiray fasaxa ciida Kirismaaska asbuucaan taasoo ku soo began tahay waqtiga ugu badan ee safarada Maraykanka.
Saamiyada shirkado badan oo ay ka mid yihiin American Airlines,United Airlines, Delta Air Lines iyo Southwest Airlines ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 2 ilaa 3 sida xogtu muujinayso.
Dhamaan arimahaan ayaa waxaa loo aanaynayaa yaraanta shaqaalaha diyaarahada,khalkhalka cimilada la xiira iyo nooca Omicron oo si xowli ah ku faaafaya taasoo hakad galisay boqolaal duulimaadyo qorshaysnaa.
Shirkada diyaaradaha Southwest Airlines waxay manata sheegtay inay joojisay 50 ka mid ah 3,600 duulimaadyadii maanta la qorsheeyay sababo la xiriira cimilada shirkadaha Delta, United, iyo American ayay warbaahintu sheegtay inay ka jawaabin codsiyada ku aadan inay faahfaahin bixiyaan,waxayna saamayntaan gaadhay shirkado badan caalamka oo dhan.