Hogaamiyaha Narc Kenya oo baaq u dirtay guddiga IEBC

0
376

Hogaamiyaha xisbiga Narc Kenya Martha Karua ku eedaysan gudiga madaxa banana ee doorashooyinka iyo xaduudaha dalka IEBC inay ku guul daraysteen inay ka qaybgaleyaan dhamaan daneeyeyaasha muhiimka ah oo ay ka mid yihiin xisbiyada siyaasadeed xaqiijinta qorshaha doorashooyinka si ay dalka uga dhacdo doorasho aan carqalad lahayn bishi sideedaad ee Sanadka Danbe.
Karua waxay sheegtay in gudiga IEBC ee uu hogaamiyo Wafula Chebukati aysan wali cadayn inuu saxay ama ku howlan yahay khaladaadkii lagu arkay doorashadii guud ee dalka ka dhacday sanadkii 2017kii kuwaasoo qaarkood ay horseedeen in maxkamda saree e Kenya ay laasho natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxdinimada.
Waxay sheegtay in mid ka mid ah waxyaabaha ugu waa weyn ee keenay in la laalo doorashadii 2017-kii ay ahayd hufnaan la’aanta maadaama aysan ahayn doorashadu mid la xaqiijin karo su’aashaas uu ay tilmaamtay inay tahay in la waydiiyo Mr Chebukati maadaama laga doonayo inay gudigu cadeeyaan sida xaaladaas loo sixi karo sida loo qorsheeyay maaraynta doorasahda soo socota si ay noqoto mid xor iyo xalaal ah.
Arimahaan ayay ka hadashay Karua xili ay khudbad ka jeedinaysay xarunta xisbigeeda.
Hogaamiyaha Narc Kenya waxay ku boorisay Gudiga doorashooyinka iyo xaduudaha dalka IEBC inay u hogaamsamaan dastuurka dalka ayana dhamaan daneeyeyaasha doorashada ka qaybgaliyaan arimaha la xiriira diyaargarowga doorashada guud ee soo socota.
Karua waxay tilmaamtay inay muhiim tahay in sharciyada doorashooyinka loogu fuliyo sarkaal kasta oo ka tirsan hay’adaha ra’yi aruurinta ayadoo aan lagu dhaleecaynayn hay’ada doorashooyinka maadaama gudiga IEBC ay tahay inay masuul ka noqdaan dhamaan falalka quseeya hadii kale aysan dalkaan ka dhici doonin doorasho xor iyo xalal ah.
Hogaamiyaha Narc Kenya oo sidoo kale ah musharaxa xilka barasaabka dowlad deegaanka Kirinyanga aya doonaysa inay waaxyaha garsoorku u istaagaan hubinta sharciyada doorashooyinka inta lagu guda jiro hanaanka doorashooyinka qaranka.
Ayadoo wadanku ku sii socdo xili doorasho ayay hogaamiyaha Xisbiga Narc Kenya xustay in kiisaska sii kordhayo ee dadka la waynayo iyo xadgudubyo kale oo jir dilku ka mid tahay inay si cad wasaarada arimaha gudugu uga jawaabto arintaas.
Karua ayaa sidoo kale sheegtay inaysan boolisku sida loo baahan yahay u soo saarin inta badan kiisaska dhacay taasoo walaaca sii kordhisay.
Hadalka haweenaydaan ayaa ku soo aadaya ayadoo warbixiin ay soo saartay hay’ada Haki Africa oo xaquuqul aadanaha u dooda fadhigeeduna yahay magaalada Mombasa ay dhawaan sheegtay in sanadkaan gudihiisa Kenya laga soo tabiyay kiisas badan oo isuhu jira dil iyo jir dil.
Warbixinta ayaa soo bandhigtay 43 kiis oo dilal sharci daro ah iyo dadkale oo la waayay sanadkaan 2021-ka taasoo lagu sheegay tiradii ugu badnayd ee sanadk gudihiis dalka laga soo tabiyo.
Waxaana sanadihii la soo dhaafay saraakiisha booliska lagu eedeeyay inay gaysteen falal anshaxa suuban ka baxsan sidoo kalena warbixinta ayaa muujinaysa in badanaa dhibaneyaasha la waayay waxyar kadib markii la xiray.