MD Farmaajo oo madaxtooyada Soomaaliya kulan kula leh taliyeyaasha ciidamada qalabka sida

0
795

Madaxweynaha xilka sii haya ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa haatan kulan la leh taliyaasha ciidamada Qaranka dalkaasi, sida Milateriga, Booliska, NISA iyo taliyaha qaybta guud ee booliska gobalka Banaadir.
Lama oga waxyaabaha ay ka wadahadli doonaan dhinacyadan, hayeeshee waxaa wararka qaar ay tilmaamayaan in madaxweyne Farmaajo uu saraakiisha ciidanka kala hadli doono xaaladda ka taagan Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale, ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Wasiirada amniga iyo Gaashaandhigga u diiday in ay galaan Madaxtooyada, sidoo kale waxaa gaadiidka Beebaha ah lagu jaray aaga Xaawo Taako, Ceelgaabta iyo Sayidka.