Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya oo sheegay in ciidamo la geeyay xafiiska Rooble

0
621

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga ku shaaciyay in ciidan si sharci darro ah la geeyay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble.
“Ra’iisal wasaare Rooble wuxuu leeyahay Xafiis shaqo oo uu Dastuurku Fariisiyay, In Ciidan Sharci darro lagu geeyo si looga hor istaago waxay furaysaa albaab cusub mana shaqayndoonto insha allaah.” ayuu yiri.
Arrintaan ayaa salka ku heeysa khilaafka xoogeystay ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, iyada oo Farmaajo xalay soo saaray qoraal uu ku sheegay in uu Shaqa joojin ku sameeyay Ra’iisul Wasaaraha.