Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dagaalkii Boosaaso

0
283

Madaxweynaha maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu diyaar u yahay xal nabadeed in lagu dhammeeyo colaaddii maalmahan ka taagnayd magaalada Boosaaso.
Khudbad uu jeediyey xalay ayaa Siciid Deni waxa uu sheegay inuu doonayo in xal aan ahayn mid milatari lagu xalliyo xiisadda ka taagnayd magaalada Boosaaso.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay xalka ay soo jeediyaan isimada iyo odayaasha dhaqanka ee Puntland oo uu ugu baaqay inay gacan ka gaystaan xallinta dhibaatada dhacday.
Mr.Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu amar ku bixinayo in dib loo furo dhammaan adeegyada dowladda ee magaalada Boosaaso, iyo dekedda iyo in xaaladda sideedii hore lagu soo celiyo.
Waxa uu ugu baaqay dadkii ka qaxay guryahooda inay dib ugu soo laabtaan.
Siciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay Puntland cashar ka baranayso wixii dhacay, islamarkaana aan dib loo milicsanayn.
Waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay in laga soo horjeesto dowladnimada iyo isbeddellada ay dowladdu samayso.
Dagaallada ka dhacay Boosaaso ayay ku dhinteen 20 qof waxaana ku dhaawacmay ku dhawaad 80 qof.