Howlgallada militari ee Myanmar oo ay ku qaxeen in ka badan 4,000 oo qof

0
589

Waxaa lagu soo warramayaa in ilaa 4,200 oo qof ay u gudbeen dalka Thailand ka dib markii ciidamada militariga ee Myanmar ay xadka ka fuliyeen howlgallo dhanka cirka ah.
Weerarrada oo lagu tilmaamay kuwo culus ayaa lala eegtay goobo ay fallaago gacanta ku hayso.
Midowga qaran ee The Karen National Union (KNU) ayaa sheegaya in goob ay maamulaan oo ka tirsan gobolka Karen ee dalkaasi lagu bartilmaameedsaday ugu yaraan labo duullaan iyadoo duqeymo dheeraad ah ay ka dhaceen magaalada Lay Kay Kaw.
KNU ayaa isku dayaysa inay ka madax bannaanaato dowladda dhexe ee dalka Myanmar.
Toddobaadkii hore ayay soo billowdeen iskudhacyada u dhexeya labada dhinac waxayna wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Thailand xaqiijisay in ugu yaraan 4,200 qof ay uga soo gudbeen dhinaca Myanmar.
Ururrada bulshada ayaa tirada dadka barakacay ku sheegay 10,000.