Kal-fadhigii baarlamaanka ee la hakiyay oo qabsoomaya dabayaaqada bishan

0
373

Waxaa uu qorshuhu yahay in xildhibaanada baarlamaanka dalka ay mar kale dib u kulmaan 29-ka bishan Diseembar oo Arbaco ku beegan.
Maalintaasi ayaa waxaa sii socon doonto doodda ku saabsan isbeddel muran dhaliyay oo lagu sameeyay xeerarka xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Hindise sharciyeedka ayaa dhigaya in xisbiyada siyaasadeed ee wadanka ka jiro loo beddelo isbeheysiyo si ay uga faa’iidaystaan dhaqaale ka dhexeya.
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Mr. Justin Muturi ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in 29-ka bishan uu jiri doono kal-fadhigii uu dhawaad dib u dhigay ku xigeenkiisa Moses Cheboi.
Qoraalka Muturi waxaa ku cad in kal-fadhiga uu billaaban doono abaare 10-ka barqanimo oo uu soconaya ilaa 2:30 ee galabnimo.
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa intaasi ku daray in kulamada ay saacado dheeraad ah qaadan karaan haddii loo baahdo si loo dhameystiro waxyaabaha hor yaalla golaha qaran ee xeer dejinta.
22-kii bishan ayay ahayd markii mudanayaasha baarlamaanka ay si wayn ugu kala qaybsadeem doodda ku saabsan in wax laga beddelo xeerarka lagu maamulo xisbiyada siyaasadeed.
Guddiga baarlamaanka ee arrimaha sharciga iyo cadaaladda ee (JLAC) ayaa laga sugayaa inuu Arbacada soo socoto baarlamaanka warbixin u soo gudbiyo.
Siyaasiyiinta qorshahan ka soo horjeestay waxaa ka mid ah xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale.