DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inay jiraan dad doorashada hakinaya

0
332

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya kaliya looga gudbi karo inay dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.
Waxaa uu intaasi ku daray in cagajiidka doorashada ay sababeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga dalka, wuxuuna si cad u sheegay in doorashada ka dib wax kasta ay sidooda kusoo laaban doonaan.
Maxamad Xuseen Rooble ayaa sidoo kale tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka doorasho ka dhacdo, sidoo kalena ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya.
Shirka golaha wadatashi qaranka oo la iclaamiyay inuu magaalada Muqdisho ka furmo 27-ka bishan ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in looga hadlayo dardargalinta doorashada iyo sidii loo iclaamin lahaa xilliga kama dambaysta ah ee guud ahaan dalka doorashadiisa la soo gabagabaynayo.

Hadalka kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada welina aan go’aan laga gaarin wakhtiga ay dhamaaneyso doorashada oo noqotay mid muddo dheer jiitamaysa.