Madaxtooyada Puntland iyo Hay’ada PSF oo midba kan kale ku eedeeyay burburka xabad joojinta

0
244

Warsaxaafadeed kasoo baxay Ciidamada PSF maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa lagu sheegay in bulsha weynta guud ee Puntland iyo Soomaali-weynba ay la garowsan yihiin waxa ay ugu yeereen gardaradda iyo masuuliyad darida Maamulka Puntland ayagoo sidoo kale ku eedeeymo u jeediyay.
Qoraalka PSF ayaa lagu eedeeyay Wasiiradii ay dowladdu u xilsaartay arrintaan inay sii hurinayaan colaadda iyo barakicinta shacabka, ayan uga digayaan dhallinyaradda Ciidamadda kala duwan ka tirsan inaysan naftooda u biimeyn dagaalka magaalada Boosaaso.
Saraakiisha hay’ada PSF waxay sheegeen inay ku sugan yihiin xaruntoodii,ayna is-difaacayaan, ayagooo ku kalsoon shacabka sida lagu soo gabagabeeyay warka ka soo baxay hay’ada PSF Puntland.
Warkaan kasoo baxaysaraakiisha PSF ayaa daba socda qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo lagu sheegay in Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF uu Colaad ka hurinaayo Boosaaso, balse ay waqti siinayaan waan waanta socota.
Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in dbinaca kale ee kasoo horjeeda ee maamulka Puntland ee agaasimaha Hay’ada PSF ay burburiyeen balantii iyo cahdigii ugu danbeeyey ee shalay ay la galeen isimada,Culimada iyo waxgaradka Puntland oo xabad joojinta ahaa.
Sidoo kale Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in si loo dhiirigeliyo xal nabadeed oo lagu dhammeeyo xaaladda xil wareejinta masuuliyadda iyo hantida PSF ay wakhti siinayso dadaalada loogu jiro in si nabad ah lagu dhammeeyo xaaladda Boosaaso, ayna qaadayaan tallaabooyin lagu fududeynayo dadaalada socda.
Warkaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli shalay Wasiirka Amniga Maamulkaas uu sheegay inay diyaar u yihiin wada-hadal iyo xabad joojin balse markale uu xalay dib u qarxay dagaalka magaalada Boosaaso ku dhexmaraya ciidamada maamulka ka wada tirsan balse iska soo horjeeda.
Boqolaal ka mid ah shacabkii magaalada ayaa isaga barakacay waxayna soo badanaya baaqyada loo jeedinayo ee ku aadan in dagaalka shuruud la’aan lagu joojiyo.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi farmajo,Masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan,isimada,waxgaradka iyo dhaqanka Soomaaaliyeed ayaa dhamaantood ku baaqay in laga wada hadlo arinta boosaaso oo dagaalka laga maarmo.