Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Guddoomiyeyaasha iyo Taliyeyaasha Degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir ayaa ka xog-waraystay xaaladda amniga, bilicda, dhaqaalaha iyo fayo-dhowrka Gobolka Banaadir.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ka digay saameynta maandooriyuhu uu ku leeyahay xasilloonida iyo horumarka dalka, waxa uuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta Bulshada Caasimadda, Maamulka iyo Laamaha Amniga, si looga wacyi-geliyo da’ yarta soo kacaysa khatarta maandooriyaha oo helis ku ah noloshooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dalka ay ku soo xoogeysatay khatarta aan la aqbali karin ayna tahay in si adag loo wajahno, dhammaan ayadoo la iskaashanayo loona wada istaago sidii looga badbaadin lahaaa ubadka Soomaaliyeed. Cadowgaas oo ah Maandooriyaha ku soo badanaya dalkeenna ee khatarta ku ah xasiilloonida waddanka iyo mustaqbalka ubadka Soomaaliyeed.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay sida uu uga xunyahay falalka magac-dilka ku ah Laamaha Amniga ee mararka qaar ay kula kacaan shacabka Soomaaliyeed Askar aan fahansanayn masuuliyadda ka saaran bad-qabka dadkooda, waxa uuna faray Taliyeyaasha Heer Federaal iyo Heer Degmo ee Gobolka Banaadir in gacan bir ah lagu qabto cid kasta oo lagu helo falalkan.
Dhankooda, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyeyaasha Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad-sugidda ayaa uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda amni ee caasimadda iyo qorsheyaasha heer gobol ee ku aaddan nabadda, dib-u-dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay saaraakiisha ciidanka iyo maamulka gobolka Banaadir