SAWIRRO:Askari horay u dilay labo ciyaartoy oo saaka xukun dil ah lagu fuliyay degmada Beledxaawo

0
491

Waxaa saaka meel fagaare ah oo ka tirsan degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo Soomaaliya lagu toogtay askari ka tirsanaa ciidamada sirdoonka Soomaaliya oo horraantii bishii hore degmadaasi ku dilay labo wiil oo ciyaartoy ahaa.
Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday sagaalkii bishan dable Maxamad Cali Xuseen.
Waxaaana saaka meel fagaare ah degmada Beledxaawo lagula fuliyay xukunkii dilka ahaa, oo ah qisaasta labadii marxuum ee uu horey u dilay.
Soomaaliya waxa billihii la soo dhaafay kordhayay dillalka ciidamada dowladdu u gaystaan dadka rayidka ah, waxana jira tiro askar ah oo hadda u xiran eedeymo la xiriirra dilalka dadka rayidka ah.