Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo galinkii dambe ee shalay socdaal ku tagay magaalada Garissa ayaa madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ku eedeeyay in qorshaha sharci beddelka ee BBI uu uga gol-leeyahay inuu ku fuliyo dano shakhsiyeed.
Ruto ayaa xilli uu ku sugnaa Tana River soo hadal qaaday nidaamkii dakhli qaybsiga isagoo carrabka ku adkeeyay in siyaasaddu ay dan ku saleysan tahay.
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa dhanka kale tilmaamay inaynan habbooneyn in siyaasiga la doortay uu danaha shacabka ka hor mariyo mid isaga gaar u ah.
Sidoo kale waxaa uu dadweynaha ku boorriyay in madaxda kala duwan ay u soo doortaan si xikmad leh.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii sanadka soo socdo uu ku guulaysto hoggaanka dalka uu wanaajin doono nolosha dhallinyarada shaqo la’aanta ah.
William Ruto, ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa la filayaa inuu maanta magaalada Garissa ku qabto kulamo kala duwan oo uu taageero ugu raadinaya qorshihiisa siyaasadeed ee ku saleysan in kobcinta dhaqaalaha wadanka laga soo billaabo meel hoose iyadoo garab istaag loo muujinaya danyarta , ganacsatada yaryar iyo dhallinyarada shaqo la’aanta ah