Ciidamada ammaanka ee deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu ayaa galinkii dambe ee shalay gacanta ku soo dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdul Majiid Nagiib Cabdalla.
Tuhmanaha oo 28 sano jir ah ayaa loo haystaa inuu maalmo ka hor aabihii ku dilay ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in qorshuhu uu yahay in eedeysanaha loo qaado Mombasa si halkaasi loogu maxkamadeeyo.