Madaxda waqooyi bari oo dowladda kala hadlay bixinta aqoonsiga qaran

0
618

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ismaamullada Garissa iyo Wajeer ee gobolka waqooyi bari ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’i.
Hoggaamiyeyaasha oo walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid bixinta kaararka qaran ee aqoonsiga ayaa waxaa ka mid ah senatarka ismaamulka Garissa Cabdulqaadir Maxamad Yuusuf , xildhibaanka Dadaab Dr.Maxamad Daahiye Ducaale, dhigiisa Fafi Cabdikariin Cismaan, mudanaha Lagdera Maxamad Hire ,Safiya Cabdi oo laga soo doortay Ijara iyo Dr.Maxamuud Sheekh Maxamad Oomaar oo ah mudanaha Koonfurta Wajeer.
Madaxda ayaa xusay in kastoo sanadkii 2017-kii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta amray in hannaanka hay’adda qaxootiga ee UNHCR laga saaro kenyaanka iska diiwaangeliyay ka dibna loo qaybiyo aqoonsiga qaran in ilaa iyo hadda barnaamijkaasi aan la soo gabagabeyn.
Wasiirka arrimaha gudaha ee wadanka Dr.Fred Matiang’i ayaa dhankiisa qiray dib u dhaca arrinkan ku yimid.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadka deegaanka oo aqoonsi qaran la siiyo aynan ahayn gallad gaar ah balse xaq dastuuri oo ay leeyihiin.
Wasiirka ayaa madaxda u ballanqaaday inuu dardargelin doono bixinta aqoonsiga qaran.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in bisha koowaad ee sanadka soo socdo uu tagi doono ismaamulka Garissa si uu u daahfuro qorshahan.
Wasiirka ayaa xilligaasi dhanka kale si rasmi ah u howlgelin doono degmooyin heer ahaan sare loo qaadaya.
Xildhibaanka deegaanka Dadaab Maxamad Daahiye Ducaale ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inay sidoo kale wasiirka kala hadleen furitaanka xadka Kenya iyo Soomaaliya si loo fududeeyo dhaqdhaqaaqa ganacsi .