kooxda TPLF oo ku dhawaaqday inay dib ugu uruurayaan gobolka Tigray

0
374

Xoogaga TPLF ee dagaalka kula jira dowlada dhexe ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay isaga baxayaan gobolada dariska la ah gobolka waqooyi ee Tigray.
afhayeen u hadlay ciidamada Tigrayga ayaa sheegay in talaabadaas loo qaaday xabad joojin suuragal ah ka dib 13 bilood oo dagaalo culus socdeen.
Warqad uu u qoray xoghayaha guud ee Jimciiyada Qaruumaha ka dhexaysa ayuu ku sheegay in la sameeyo aag duulimaadayda ka caagan,in cunqabatayn hub lagu soo rogo dowlada Ethopia iyo xulufadeeda Eritrea iyo inay xoogga hubaysan ee aan deegaanka ahayn ay isaga baxaan gobolka Tigray.
Getachew Reda oo ah afhayeenka TPLF ayaa wakaalada wararka ee AFP u sheegay inay ciidamadoodu isaga baxayaan gobolada Axmaarada iyo Canfarta maadaama sida uu sheegay ay doonayaan inay furaan albaabka gargaarka binu aadanimo lagu gaarsiinayo shacabka.
Afhayeen u hadlay dowlada dhexe ee Ethopia Legesse Tulu ayaan isna ka jawaabin cosi ku saabsan arintaan.
Dagaalada in ka badan hal sano ka socday wadanka labaad ee Qaarada Africa ugu dadka badan ayaa khalkhal galiyay xaalada guud ahaan gobolka oo markii horeba ay ka jireen xaalado amaan daro wuxuuna sidoo kale sababay in ka badan 60,000 00 qaxooti ah oo galay dalka dariska ah ee Suudaan.

Kumaan qof oo rayid ah ayaa dagaalka Ethopia lagu dilay ku dhawaad 400,000 ayaa macluul ku wajahaya gobolka Tigray waxaana sidoo kale xaalado bina cuni deg deg ah u baahan 9.4 Milyan oo qof guud ahaan waqooyiga dalka Ethopia taasoo ah natiijada dagaalada laga dhaxlay.
TPLF waxay sheegtay inay rajaynayaan in ka bixitaankooda gobolada Axmaarada iyo Canfarta ay beesha caalamka ku qasbi doonto in gargaarka binu aadanimo uu gaaro gobolka Tigray.
QM ayaa horay dowlada ugu eedaysay inay dhaqangalisay talaabooyin sababay go’doomin dhab ah waxaana arintaasi beenisay dowlada Ethopia.
TPLF waxay kaloo ku soo jeedisay warqada ay QM u qortay in la sii daayo maxaabiista siyaasadeed maadaama ay dowladau Xirtay kumaan Tigray ah iyo in baaritaano caalami ah gobolka loo diro.
Todobaadkii hor QM waxay ogolaatay in la sameeyo baaritaan madaxbanaan oo ka dhan ah xadgudubyada xaquuqul insaanka talaabadaan oo ay dowlada Ethopia si weyn uga soo horjeesatay.
Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah oo ay ku jiraan Midowga Africa iyo Maraykanka ayaa dhowr mar isku dayay in laga wada xaajoodo xabad jojinta Ethopia si gargaar loo gaarsiiyo gobolka Tigray balse labada dhinacba waa diideen isku daygaas.
Dhanka kale warbaahinta dowlada ayaa axadii sheegtay in milatariga Ethopia ay gacanta ku dhigeen Magaalad Lalibela oo caan ku ah Kaniisadaha sidoo kale la sheegay inay Muhiiimada weyn u leedahay dadka haysta diiinta Orthodox taasoo dhowr mar ay isku badaleen ciidamada dowlada dhexe iyo kuwa Tigrayga.
Ciidanka milatariga dalka Ethopia ayaa bishii Juun isaga baxay gobolka Tigray kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay dhibaatooyin waa weyn gaysteen sida dil aan kala sooc lahayn oo Rayid loo gaystay,kufsi wadareed, sidoo kalena la xanibay gargaarkii la gaarsiin lahaa dadka shacabka ah.
Dowlada Ethopia ayaana sheegtay inay talaabooyinkaas u maxkamadaysan xubno askar ah walow aysan faahfaahin dheeraad ah bixin
Bishii luulyo xoogga Tigrayga ayaa weeraray gobolada Axmaarada iyo Canfarta waxayna taasi keentay in bishii ina dhaaftay ee November dhamaadkeedii ciidanka Milatariga Ethopia duulaan ku qaadaan falaagada Tigrayga ayagoo 100 KM dib uga riicay deegaanadii ay horay u qabsadeen howlgakaas oo uu hogaaminayay Ra’isulwasaaraha dalka Ethopia Dr Abiy Axmed.